Wafdiga Waax iyo Waadi oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka ka soo jeeda degaanadaas.Wafdiga guddiga qabanqaabada dowlad goboleedka Waax iyo Waadi oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo kala duwan oo ay la yeelanayaan qeybaha bulshada, sida
waxgaradka, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, haweenka, ururrada bulshada degan gobolada Waax Weyn iyo Waadi.
Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan qado ahaa kaasi oo ay isugu yimaadeen guddiga qabanqaabada dhismaha dowlad goboleedka ee maalmahaanba kulamada la yeelanayay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha ka soo jeeda degaanada Waax iyo Waadi, waxaana kulankaasi ka warbixiyay marka hore Guddoomiyaha guddiga dhismaha dowlad goboleedka Waax iyo Waadi Marwo Jawaahir Baarqab oo faahfaahin ka bixisay ujeedada ka dambeysa dhismaha dowlad goboleedka.
"Anaga waxaan nahay gabdho iskood isku xilqaamay ee gartay inay dadkooda ku midoobaan dhismaha dowlad goboleedka Waax iyo Waadi oo ah dhul baaxad weyn, ujeedadeenu ma aha inaan mansab ku gaarno" ayay tiri Jawaahir Baarqab oo sheegtay in hirgelinta himilada lagu yagleelayo dhismaha dowlad goboleedka Waax iyo Waadi ay iska leeyihiin dadka degan gobolada hoos yimaada.
Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada dhismaha dowlad goboleedka Waax Waadi waxay sheegtay in ka guddi ahaan aanay iyagu marnaba sameyn doonin wax aanay raalli ka ahayn waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolada Waax iyo Waadi, sidaasi darteed Guddoomiye Jawaahir ayaa ka codsatay odayaasha inay ku shaqeyn doonaan awaamiirtooda.
"Howlaha guddiga qabanqaabada dhismaha dowlad goboleedka Waax iyo Waadi ma aha mid jagooyin lagu qeybsanayo, balse waa mid loogu gogol xaarayo sidii beelaha degan gobolada Waaxweyn iyo Waadi ay u dhameystiri lahaayeen dhismaha dowlad goboleedka" ayay tiri Marwo Jawaahir Baarqab oo sheegtay in wafdiga ay hoggaamineyso qorshahoodii ugu horeeyay ay ku guuleysteen.
Kulanka shalay Muqdisho ku dhex maray wafdiga Waax iyo Waadi oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho iyo odayaasha dhaqanka, xubnihii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Malaaq Cali Malaaq Showri, Maxamed Axmed Shiddo oo ka mid ah guddiga qabanqaabada dhismaha Dowladda Waax iyo Waadi, Abuukar Xasan Kadaf, Nabadoon Maxamed Axmed Xusuley, Nabaddoon Shamuuq, Ruqiyo Cali C/lle iyo waxgarad kale. Dhinaca kale waxaa madasha kulanka ka hadlay Malaaq Cali Malaaq Showri oo sheegay in wafdiga haweenka ah ee iskood isku xilqaamay sidii beelaha degaanada Waax iyo Waadi maamul u sameysan lahaayeen, taasi oo uu sheegay in haweenkaasi ay ka wanaagsan yihiin ragga qaarkiis, wuxuuna ugu duceeyay Malaaq Showri in howlahooda Alle la garab galo.
"Anigoo ku hadlaya magaca odayaasha dhaqanka beelaha degan gobolada Waax iyo Waadi waxaan idinkugu duceynayaa in howshiina ay noqoto mid waxtar leh, cadowgiina dhoobo meel ku dhegan Alle haka dhigo" ayuu yiri Malaaq Cali Malaaq Showri oo sheegay in dhibaatada Xamar ka jirta aanay dhamaan doonin haddii aan lagala tashan waxgaradka iyo hormuudka bulshada.