
Qaar ka tirsan hogaanka haweenka Soomaaliyeed ee dalka Ingriiska iyo Gabdho kale oo magac ku leh wax u qabadka bulshada ayaa waxey u sameeyen casho sagootin ah, Marwo Jawaahir oo ku laabaneysay Wadanka Soomaaliya iyadoo beryahanba u joogtay
arrimo shaqo dalkan Ingriiska, waxeyna ka sheegtay madasha cashada in hawlaheeda u badnaayeen wacyigelin iyo ku dhiirigelinta hablaha Soomaaliyed doorka kaga aadan wax u qabashada Dalkooda oo xilgan marayo waqti xasaasiya oo dagaaladi ugu darsoomeen abaaro ba'an, wadankiina ekeeyay loogana maarmin haweenka dhankasta madaaama ay lafdhabarki Umadda yihiin.

Marwada, mar ay kala hadleysay haweenka arrimaha soo batay beryahan ee maamul goboleedyada ayey u sheegtay in dawlada ku mashquulsantahay dhismaha iyo taabagelinta maamulada sida sharciga uu qoroyo laakin dad is abaabulay aaney ku dhawaaqi karin Maamul noocaas ah, sida Madaxweynaha iyo Xukuumadaba ay ku celceliyeen fasirka sharciga ah ee dhismaha Dawlad goboleedyada, waxeyna carabka ku adkeysay in hogaanki abaabul ay madaxda ka aheyd geysay xamar, wax ka qabadkeedana uu gacanta ugu jiro Dawladda Soomaaliyeed iyadana ey qeyb ka tahay fududeynta dhismaha Maamulkaasi, waxeyna kula talisay Gabdhaha Soomaaliyeed dhowrista sharciga dawliga ah iyo in ay u caqli celiyeen Wiilashooda si loo helo macno dawladeed oo dhab ah ee noo horseeda kala danbeyn iyo ku noqoshadi dhulkeeni hooyo.
Madaxdi haweenka ee ku casumay cashada Marwo Jawaahir, waxey balan qaadeen in ay ka soo dhalaali doonaan Mas'uuliyada ka saaran wadanka, runtina ay kala shaqeyn doonaan wax u qabadka Wadanka gudaha iyo dibadaba, waxey kaloo ka cadsadeen in ay salaan ka gaarsiiso Madaxweyne Shariif, Madaxa Xukuumada Dr Cabdiweli iyo dhamaan madaxda kale ee dawlada, waxeyna u rajeeyeen guul iyo Soomaali oo cagaheeda isku taagta.
Marwa Jawaahir, waxey Xamar ku aadantahay Arbacada soo socota, waxeyna ka dhooftay Ingriiska marki cashada la soo gabagabeeyay, iyadoo u duushay Dalka Imaaraatka Carabta oy laba casho sii ogi doonto.
