About Waax iyo Waadi

Login Form

Aragtida Dadweynaha

Fahamka waa, dhamaatay taada kula lihi taydana anaa leh!

Waxaan, qabaa dhibaatada Soomaaliya in ay tahay Caasimadda, Muqdishu iyo Gobolka Banaadir, kamana maqna faragelin shisheeye, kuna bixiyay lacag badan,si daraasad iyo cilmi baaris loogu suubiyo meesha ay Soomaaliya ka nugushahay

oo ku shaqeysanaayo shaqsiyaad aan wadani ahayn, si colaada iyo dagaalka joogtada ah u socdo; guud ahaana dalka u degin.

Faragelinta shisheeye, waxeey sababtay in ay Somaliland tiraahdo, dalka intiisa kale waan ka go’nay, waxeey sababtay in Puntland iyo Somaliland colaad la dhex dhigo, waxeey sababtay in ay TFG iyo Puntland is-qilaafaan, waxeey sababtay in qolo walba tiraahdo meeshaan anaga ayaa ka talina iyo in aan leysku imaan, waxeey sababtay in Diinta Islaamka loo isticmaalo siyaasad Ummadda shaki lagu kala geliyo si loo kala fogeeyo, waxeey sababtay in Soomaaliya lagala dagaallo wixi mideynaayay ama Midnimada Qaranka astaamo u ahaa sida: diinta, luqada,taariikhda, dhaqanka iyo caaddada iyo dhulka, waxeey sababtay in labaantan sanno (20-years), dalka dowladnimo loo diido. Maanta, faragelinta shisheeye waxeey mareysaa heerki ugu dambeeyay, in Dastruurka Dalka lagu ciyaaro ee mid cusub loo sameeyo ee aan afti guud dadweynaha loo weydiineyn iyo xildhibaano cusub ee la soo xulaayo ayagoo si toos ah cidna u soo dooran. Haddaba, qorshaha dastuurka cusub oo ay shsheeyaha lacagta ku bixinaayaan, in lagu baabi’iyo Dastuurki 1960-ki, Xeerki Midnimada Soomaaliyeed (i.e., Somali Act of Union) iyo Afti la qaaday, ayadoo lagala dagaalamaayo Soomaaliya, Midnimada Qaran ee muqadaska ah ee ku qoran dastuurkaas. Dastuurka cusub kuma qorna meesha Soomaaliya ay adduunka kaga taalo iyo xuduudeeda ama siyaasadeeda arrimaha dibedda dalka, kuma qorna dhaqanka iyo caaddada dalka iyo dadka, kuma qorna qoys wuxuu yahay, laakin waxaa ku qoray in Ra’iisul Wasaaraha la ridi karin ee inta aan xilka laga qaadin magacaaban yahay qofki lagu bedili lahaa, in Ra’iisul Wasaaraha seddex jeer Golaha Baarlamaanka ku celiyaan magacaabidda Golaha Wasiirada, Madaxweynaha ku qasban yahay in uu Baarlamaanka kala diro iwm, waxaa ku qoran in askariga amar qalad ah ka diidi karo madaxdiisa oo lagu qoro xeer hoosaadka ciidamada, waxaa ku qoran in Gobollada dalka iskood ugu madax bannaan yihiin in ay Deyn ka dalban karaan dalalka shisheeye iyo in la soo kireysan karo ciidamo gaar ah ee ammaanka wax ka tara (i.e., Blackwater iyo wax la mid ah). Mida kale Runtii, Soomaaliya dastuur cusub uma baahna, waxaa ku filan in Axdiga Qaranka KMG-ah qoddobo lagu daro (i.e., Amendments), si looga gudbo “magaca” ku meel gaar, dowlad cusubna loo soo dhiso; haddii intaasi ay tahay danaha laga leeyahay dastuurka cusub oo ayna wax kale wehlin. Laakin, faragelinta shisheeya iyo hantida ay ku bixinaayaan bur-burinta Qaranka Soomaaliyeed, si dalka u deign waxaa ka mid ah dastuurka cusub, sharciga gaarka ah ee Caasimadda, Muqdishu, iyo in dhowaan shir gaar ah loogu yeeray Puntland iyo Somaliland iyo ku dhawaaqida Ex-Banaadir kana kooban Gobolladda Shabella Dhexe, Banaadir iyo Shabeellada Hoose, kuna egyahay xadku Degmada Ruun-Nirgood; oo aan ku jirin Gobolka Jubbadda hoose oo ka mid ahayd Gobolka Banaadir xilligii isticmaarka. Runtii, dad badan ayaa ku wareeray, sabata madaxda ku kaliftay in ay ku dhawaaqaan Ex-banaadir ayadoo ay socodaan hawlihhi Maamul Gobolleedka WAAX iyo WAADI oo uu xadkeedu ka soo bilawdo Faax kuna dhammaado Turdho (Jubba Hoose), kana reebaan Hilowlegaab ooy garan waayeen in aanay ka hari karin Ruunnirgood, Dhulki Waceyslana raaciyaan kana dhigaan dhul aan Mudulood ka tirsaneyn. Sidaas darteed, Waax iyo Waadi ayaa hadda ku hawlan sameynta goobolada, Iyagoo soo bandhigi doono laba gobol uu Waceysle ka koobnaan doono degaankooda kaasoo ka tirsan degaanweynaha Waax iyo Waadi, Walaalahoodna aaney sina uga go'eyn. 

Waxaan rabaa in aan wax idiinka sheego arrinta sharciga gaarka ah ee Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar iyo Guddigga Dastuurka, waxa ay ku talinayaan in Muqdishu oo ah Caasimada iyo Gobolka Banaadir si dadban uga hadlaan.Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar, wuxuu soo jeediyay in dadka Muqdisho iyo Gobolka Banaaadir maqaamkooda dadka loo bandhigo. Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar, wuxuu qabaa in Sharciga Gaarka ah loo sameeyo Muqdishu, dadkana loo bandhigo midi ay u dooran lahaayeen magaaladooda iyo gobolkooda. Waana sida hoos ku qoran: 1. Caasimaddu, waxeey ku taallaa Dowlad Goboleed waxaana xukumaya dowladda gobolkaa, 2. Muqdishu, waa degmada Magaalo-Madaxda oo si toos ah u hoos tageysa Dowladda Federaalka ah iyo 3. Muqdishu, waxa iyada laga dhigayaa Dowlad Goboleed. Midakale, seddexda talo oo ay soo jeediyeen Guddigga Dastuurka, kuna qoran Qabyo-Qoraalka waa sidan: 1. Muqdishu, waxeey noqoneysaa dowlad hoose oo ku dhextaalo Gobolka (i.e., kuma cadda qoraalkoodu Gobolka ay ku taalo, waana inkiraad jiritaanka Gobolka Banaadir), isla markaana ah Magaala Madaxda Federaalka Jamhuuriyadda, 2. Muqdishu, waa Degmo ama Magaalo Madax Federaal oo si gaar ah u hoos imaaneyso Xukuumada Federaalka; 3. Muqdishu, waxeey noqoneysaa Gobol dhammeystiran oo ka mid ah Federaalka, waxeeyna ahaaneysaa Caasimada Federaalka. Marka, Guddigga Dastuurka uma xilsaarna sharciyan in ay u sameeyaan maqaam “Dastuuri ah iyo Qaab dhismeed Cusub” Caasimada, Muqdishu iyo Gobolka Banaadir ama in ay go’aamiyaan maqaamka Muqdishu ayagoo inkiraayo jiritaanka Gobolka Banaadir iyo 16 Degmo; soona jeediyaan in loo diro wada tashi dadweyne si muran iyo buuq looga abuuro arrimo soo jireen ah Xuriyada ka hor iyo wixii ka dambeeyay, July 1, 1960. 

Haddaba, Guddigga Dastuurka iyo Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar, arrimaha la xarriira Caasimada, Muqdishu iyo Gobbolka waqtiga ay geliyeen iyo hantida ku baxday ma ahayn mid xal Qaranka Soomaaliyeed loogu raadinaayo si loo bad-baadiyo, maxaa yeelay, waxeey inkireen ama shaki geliyeen sharci la’aan maqaamka Caasimada, Muqdishu iyo Gobolka Banaadir iyo 16 Degmo; waxeeyna ku wada taliyeen in dadweynaha lagala tashto, ayagoo ka gaabsaday cidda lagala tashanaayo isla markaana dafiraayo Xuquud Banii’aadam ee dadka u dhashay, iskana leh Muqdishu iyo Gobolka Banaadir. Waxaa, in la weydiiyo u baahan Guddigga Dastuurka iyo Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar, yaa waaye dadweynaha la soo hordhigaayo ee lagala tashanaayo? Ma, kuwa u dhashay ee iska leh dhulka mise kuwa u soo qaxay ee soo deggay mise dhamaan Soomaalida? Maka jirtaa adduunka, maka jirtaa meel lagala tashto aayaha ama maqaamka magaalo ama gobol dad aan u dhalan oo reer guuraa ah iyo dad soo qaxay ee aan cinwaan loogu soo hagaago lahayn ee xerooyinka militariga deggan, jaamacadda, cusbitaalada, warshadaha, dugsiyada waxbarashada, xafiisyada iyo guryaha dowladda iyo guryaha shacabka ka qaxay? Waxba, kama qabo sidi Abyei, hadii ay ku talinaayaan. Waxaa jira dhul u dhaxeeya xadka Waqooyiga Sudaan iyo Koofurta Sudaan ee la yiraahdo Abyei oo dadka deggan aan ka qeyb-galin Aftida laga qaaday Koofurta Sudaan. ee la qabtay January 9, 2011. Abyei, waxaa isla deggan dad la yiraahdo Dinka Ngok ee deggaanka u dhashay iyo dad reer guura ah ee aan u dhalan deggaanka lana yiraahdo Misseria. Haddaba, heshiiskii Waqooyiga iyo Koofurta Sudaan, waxaa lagu heshiiyay in Afti gaar ah laga qado dad ku nool Abyei cidda ay raacayaan Waqooyiga iyo Koofurta Sudaan, laakin Aftida waxaa laga qaadaa oo ka qeyb-galaayo codbixinta aayaha iyo masiirka dhulkaas oo kaliya dadka Dinka Ngok-ah ee u dhashay, iskana leh degganka mana ka qeyb-galaayaan dadka Misseriya-yada ah. 

 

Marka, waxaan u sheegaa Guddigga Dastuurka iyo Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar, in ay jiraan adduunka Caasimado Gobollo ku dhexyaala sida: Rome, waa Caasimada Talyaaniga waxeeynna ku dhextaalaa Gobolka Lazio, Ottawa, waa Caasimada Canada, waxeeyna ku dhextaalaa Gobolka Ontario. Maxaa, diidaaya Muqdishu, in ay Caasimad Soomaaliya noqoto kuna dhextaalo Gobolka Banaadir oo ka mid ah dawlad goboleedka Waax iyo Waadi? Haddaba, cid aan ka yeeleyno ama nagu qasbi karto ma jirto, Muqdishu waa Caasimada Federaalka, waxeeyna hoos imaanee Dowladda Federaalka ama Sharci Gaar ah ayaa loo sameeynaa ee lagu maamulo, ayadoo fkirka ka dambeeya uu yahay in xuquuda heer degmo, heer gobol iyo heer dowladda dhexe ee dadka u dhashay dhulkaan ama aan iraahdo dadka iska leh Muqdishu, Gobolka Banaadir iyo lix-tobbanka Degmo, si loo duudsado oo ayna marna ugu yeelan cod iyo kaalin muuqata go’aaminta aayaha iyo mustaqbalka arrimaha siyaasada ee Dalka Soomaaliya. Haddaba, Sheikh Cabdulqaadir Cali Cali Cumar, asagoo ku mahadsan, dadaalkiisa si Muqdishu, u noqoto magaalo casri ah, ayaan waxaan ka jeclaan lahaa in uu waqti ma geline, in uu hadda geliyo sidii Maamulada Gal-Mudug iyo Xibin iyo Xeeb loo mideyn lahaay iyo sidii Gobolka Gal-Gaduud meelaha reerka ay ka deggaan loogu biirin lahaay Maamuladaa kala qoqoban. Midakale, Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar, haku dadaalo sidii dadka Muqdishu, usoo qaxay, khaasatan “Qoysaska” carruurta leh oo dhibaatooyin fara badan ku qaba meelaha hadda ay ku nool yihiin, sidii ay dowladda federaalka kmg-ah u gacan qaban lahayd ee guryo loogu dhisi lahaay iyo in loo sameeyo waxyaabaha aasaasiga ah. Sidoo, kale guddigga dastuurka waxaan u sheegaa beenta iyo aflagaadada dadban ha ka tanaasulo ee Caasimada, Muqdishu iyo Gobolka Banaadir; waxaase ka mas’uul ciddii shaqada u diratay dad kheyru mas’uul ah. 

 

Ayadoon, ayna jirin wax sharci ah ee loo cuskanaayo, ayadoo awooda dastuur qorida ka mid ahayn in uu shaki geliyo maqaamka magaalada weligeed Caasimad ahayd iyo in uu inkiro jiritaanka Gobolka Banaadir iyo 16 Degmo ee ka mid ah 18 Gobol ee dalka ka jira, Guddigga Dastuurkana aqoonsan yahay. Waxaan, soo jeedineynaa sidan: 1. Muqdishu, waa magaalo madaxda dalka Soomaaliya, waxeeyna yeelanee Gole dowladda Hoose. Magaala madaxda Muqdishu, ku dhextaalaa Gobolka Banaadir oo ka kooban 16 Degmo. Gobolka, wuxuu yeelanaa maamul Gobolleed dhammeystiran oo ka mid ah Dawlad Goboleedka Waax iyo Waadi kana tirsan Dowladda Dhexe ee Federaalka, leh labo aqal ee heerka federaalka iyo heerka maamul gobolleed. Haddaba, haddii la diido ee aan la aqbalin taladeyna waxaan soo jedneynaa sida: 1. In Muqdishu, laga bedelo Caasimada dalka ee loo raro magaalo kale, 2. In Soomaaliya, loo sameeyo Caasimada Cusub, sida Abuja, Nigeria, 3. In awooda dowladda loo qeybiyo seddex magaalo sida: Awooda Sharci Dejinta ama Parliament (Garoowe-Puntland), Awooda Sharciga ama Judiciary (Muqdishu-Gobolka Banaadir) iyo Awooda Fulinta ama Executive (Baidoa-Gobolka Bay). 

 

Wakiilka Xiriirka Caalimiga ee Waax iyo Waadi 

 

Dr Cabdi Maxamed Culusow “Black”.

www.waaxiyowaadi.com

 

 

 

 

 

Joomla 1.6 Template by sinci